Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso


Islamic links
mucjiso
Somali Media
Ansaar.net<
risaala.com
radiowarsan.com
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar

Kitaabta halka ka dhegayso
Arbiciinu Xadith
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)


Qolka Muxaadarooyinka Muxaadaroyin Nadwadii Ohio (April30-May2/2004)
Muxaadaroyin mu'tamrkii Minneapolis (Dec 2003)
Muxaadaroyin mu'tamrkii Ohio (Sep 2003)
Nadwo lagu qabtay Nayrobi (Janayo 2004)
Muxaadaroyin Muuqaal ah
Qolka Gabdhaha
Su'aalaha halka ku soo dir
Muxadarooyin Af carabi ah


Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe

Culimada Soomaaliyeed oo baaq samo ka talin ah u jeediyay madaxda S/land iyo P/land

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com

Posted by on Wednesday 3, November 2004 10:03 AM

       Culimada ugu waaweyn ee ay leedahay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba ayaa u jeediyay madaxda S/land iyo P/land baaq nabdeed oo ku aaddan dagaalladii dhawaan ku dhexmaray labada dhinac tuulada Adhicaddeeye ee degmada L/caanood. Culimadu waxay ku muujiyeen qoraalkooda tiiraanyada iyo murugada weyn ee ay ku hayso colaadda dhexmartay dadka walaalaha ah. Waxay kale oo carrabbaabeen culimadu in dhiigga xaqdarrada lagu daadiyo yahay xaaraan iyo dambi weyn, haddana ay sii dheertahay dagaalkaan oo dhacay bisha barakaysan ee Ramadaan. 

       Culimadu waxay soo jeediyeen talooyin ay tahay in lagu dhaqaaqo si loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan labada dhinac, waxaana ka mid ah:

1- In si degdeg ah loo joojiyo xabbadda.

2- In ay labada dhinac oggolaadaan wadahadal iyo dhexdhexaadin ay sameeyaan culimada, salaadiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed.

3- In waxyaabaha la isku hayo loo celiyo, loona bandhigo shareecada Islaamka. 

       Culimada soomaaliyeed oo ku caanbaxay heshiisiinta, walaalaynta iyo ka shaqaynta danta guud ee bulshadooda ayaa tillaabadaani tahay mid laga sugayay ayna mudnaayeen, waxaana hadlkooda ka muuqata kalsooni weyn oo ay ku qabaan madaxda ay baaqa u jeediyeen. Dadweynaha deegaanadaas oo lagu yaqaan qadarinta ay u hayaan diinta iyo culimada ayaa aad loogu rajoweyn yahay in ay u hoggaansami doonaan baaqa culimada iyo ku kala bixista Shareecada Islaamka, Rabbina waxaan ka baryaynaa in uu dhexdhigo dadkeenna nabad iyo walaalnimadooda oo ay sii adkeeyaan. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com  

Hoos ka Eeg baaqa culimada 

BAAQ FURAN: OO KU SOCDA MADAXDA SOMALILAND IYO PUNTLAND       

UJEEDO: SAMO KA TALIN DAGAALKA GOBOLKA SOOL 

Waxaa tiiraanyo iyo murugo u ah dadka Somaaliyeed ee jooga dibed iyo gudoba, gaar ahaana culimadda diinta ee Soomaaliyeed, guud ahaana muslimiinta oo dhan dagaalkii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Iyadoo siddeeda dhiiga muslimiintu oo la daadiyaa sharci la'aan ay xaaraan iyo dembi wayn tahay waxaa ka sii xag jira waqtiga la jiro bisha Ramadaan ee barakaysan. 

Si loo xaliyo khilaafka labadda dhinac, culimadda soomaaliyeed ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin iyo in badan oo ay magacyadooda ku hadlayaan waxay madaxda Somaliland iyo Puntland ugu baaqayaan arrimaha soo socda:

1. Inay si degdeg u hirgeliyaan xabad joojin dhab ah;

2. Inay oggolaadaan wadahadal iyo dhexdhexaadinta guddi ka kooban culimo, isimo iyo waxgard Soomaaliyeed.

3. In arrimaha laysku hayo loo celiyo laguna dhammeeyo shareecadda Islaamka. 

Culimadda baaqan soo saartay: 

  • 1. Sheikh Shariif Cabdinuur Xassan           Makkah
  • 2. Sheikh Cumar Faaruuq                        Jabuuti
  • 3. Sheikh Cali Warsame                          Burco
  •  4. Sheikh Maxamed Cumar Dirir               Hargeisa
  • 5. Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax         Garoowe
  • 6. Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil             Norway
  • 7. Sheikh Maxamed Idriis Axmed              USA
  • 8. Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed             Laascaanood
  • 9. Sheikh Yusuf Aadan                           Hargeisa
  • 10. Sheikh Cabdulwaaxid Xaashi               Laascaanood
  • 11. Dr. cabdulqaadir Maxamed C/laahi         Bosaso
  • 12. Sheikh Cabdullaahi Makkaawi              Hargeisa
  • 13. Sheikh Maxamuud Salaad                  Laascaanood
  • 14. Sheikh Daahir Cabdi                        Bosaso
  • 15. sheikh Maxamuud Ciise                     Makkah
  • 16. Sheikh Axmed Daahir                        Bosaso
  • 17. Sheikh Cabdiraxmaan Sh. Cumar        USA
  • 18. Sh. Maxamed Abdi Umal                  Nairobi
  • 19. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan         Bosaso
  • 20. Sh. Maxamed Sh. Cisman               Nairobi
  • 21.   Dalladda Culimadda Muqdisho        Muqdisho                 
  • 22. Sheikh Ibraahiim Sh. Maxamed         USA

WIXII FAAHFAAHIN AH KALA SOO XIRIIR: 

SH. MUXAMAD IDRIS AXMAD - IMAAMKA MASJIDKA IBNU TAIMIAH – COLOMBUS – OHIO   USA HAATANA JOOGA MAKKAH AL MUKARRAMAH

TEL: 966509596875 E-mail: Muhaajir@hotmail.com


guji halkan Si aad u soo dirto email.