Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso


Islamic links
radiowarsan.com
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka
Maqaalo  Afcarabi ah
U dabaal degga ciidda Mowliidka
tobanka dilxija iyo fadligeeda
Xajka iyo fadliga uu leeyahay
Xanta iyo xumaanteeda  
Axkaamta Furiinka (Dalaaqa):  
hadyigii nabiga ee zakaatu fidriga  
Duruus ku saabsan Ciidda  
Duruus ku saabsan Zakaatu fidriga  
Ramadaanka iyo Tawbadkeenka alle  
Duulaamadii iyo dhacdooyinkii
dhacay bisha ramadaan
 
Cadaawadda Muslimiinta iyo Yuhuuda  
Todobaatan Mas'alo oo ku saabsan
bisha ramadaanka
 
Afartan Nasiixo (Talo) Hagaajinta
Guryaha(Qoyska)
 
Nahyiga ku soo arooray in la
soomo Maalinta shakiga
 
In layska reebay in maalin ama
laba maalmood laga hormariyo
bisha ramadaan
 
Mawaadiic ku saabsan Ramadaanka  
Fadliga Salatu laylka  
Fadliga uu leeyahay Ictikaafka
iyo Axkaamtiisa

Sugidda uu alle sugo Adoomihiisa Mu'miniinta ah
NuurkaHanuunka
Noolaynta Sunada
Dardaaranka ilaalinta kitaabka ilaahay
ilaahay ka cabsada oo u cadaalad sameeya caruurtiina
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey  
qolka Muxaadarooyinka
halka ka gal
Click Here
Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe
Muxaadarooyinkii
Mu'tamarka Ohio
Click Here
qolka Muxaadarooyinka
Muuqaalka ah
Click Here
walaal soo qor dhamaan
suaalaha aad qabto
Click Here
Kitaabta halka ka dhegayso
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha
Waqtiyada Salaada
Magaalada aad joogto ka dooro
aduunka oo dhan
Wadanka ama magaalada:

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)

Tafsiirka Shiikh
Shiikh Cumar Faaruuq
Halka ka dhagayso

muxaadarooyin muqal ah
Kibirka
Ragga Xambaaray Qur'aanka
Guurka iyo Barakadiisa
Where African-Americans
Muslim From Start

Click here
Those Whose Du'aa is
Answered by Allah

Click Here
Warfaafinta ka howlgasha magaalada Gothenburg oo ah magaalo Madaxda labaad ee dalkan Sweden ayaa tan iyo markii ay soo shaac baxday sheekada ku saabsan labada gabdhood ee soomaalida ah ee iyagoo xijaaban indhaha mooyee aan meel kale kamuuqan ay aad u buun buunisay arinta ku saabsan xijaabka gabdhahan soomaalida ah, kadib markii ay buuq iyo muran hareeyeen.

Wargeyska maalinleha ah ee GT(Göteborgs Tidning) ayaa maanta oo talaado ah cadadkiisi soo baxay boggiisa hore ku soo sawiray sawirka labada gabdhod ee soomaalida ah kuwaasoo ay ka muuqdeen xijaabkii dharka madowga ah indhaha oo keliyana ay muuqdaan.

Waxaana wargeyska oo arintan ka hadlaya qormadiisa ku bilaabay "Ma lugu qasbay xijaabka, ma caadis haweenba mise waa arin kale?" Hase ahaatee su'aalahaas oo dhami ee wargeysku isweydiiyey midnakama aanu jawaabin hase ahaatee waxa uu cabiray aragtiyada dadka iyo sidey u qaadan karaan taasoo ku wajahan fikradaha qaldan ee laga heysto guud ahaan gabdhaha muslimiinta ah ee reer galbeedka ku nool.

"Dadku waxey u maleeyaan in muslimiintu gabdhahooda cadaadiyaan oo ay ku qasbaan waxeysan rabin, hase ahaatee annagu gabadheena iyadaa doortay iney sidaas u labisto haddii ay ku qanasan tahay annaguna waan ku qanacsanahay" ayuu yiri mid kamid ah gabdhahaasi adeerkeed oo u warameyey wargeyska GT, isagoo iska fogeynayey eedeymaha iyo fikradaha qaladan ee durba laga baxshay xijaabka gabdhahaasi.

Wargeyska la yiraahdo GT (Göteborg Tidning) ayaa booqasho ku tagay guriga mid kamid ah gabdhahaasi isagoo wargeyska u kuuragalayey xaqiiqda iyo sababta dhalisay in reerka gabadhaasi dhalay sidaasi ugu soo labisaan.

Waxaana uu wargeyska ka warbixiyey waxyaabihii uu ku soo arkay guriga ay dagan yihiin mid kamid ah gabdhahaasi oo wargeysku sheegay in qoysku ahaayeen kuwo diinta si fiican ugu adag.

Wargeyska oo warbixintiisa ka faaloonaya ayaa sheegay in gabadha ay booqdeen gurigeeda xitaa walaalkeed oo iskuulka wax ka dhigta hadduu ahaan lahaa gabar uu xiran lahaa dharka walaashiis ay xiray kadib markii ay weydiiyeen su'aal aheyd "hadaad gabar ahaan laheyd ma xiran laheyd dharkan oo kale?".

Falis iyo Ismahaan ayaa ah gabdhaha soomaaliyeed ee xijaabkoodu hareeyeen buuqa iyo muranka ku saabsan xijoobkooda taasoo kaliftay in wasaarada waxbarashada ee dalkan ay soo gaarto go'aan deg ah oo fasaxaya xijaabka noocaas ah ama diidaya gebi ahaan xijaabka nooca uu yahay.

Labadan gabdhood ayey wararku sheegayaan xirashada dharka noocan ah ay bilaabeen xilligii kuleylaha ahaa ee sanadkan. "Annaga ayaa jeclaanay inaan sidan u labisano maadama aan nahay dad muslimiin ah iyadoo aysan jirin diin sidaasi fareysa, balse waxaan xijaabkan u xiranay Alle dartiis sidaas
daraadeed waxaan dooneynaa in nugula tixgeliyo" ayey tiri mid kamid ah gabdhahaasi oo u warameysay idaacadda radio Sweden ee magaalada Gothenburg.

Muddooyinkan danbe ayaa la sheegay in Ismahaan iyo Falis ay sid aad u xiiseynayeen diinta, waxaana guud ahaan ku dhacay isbadal xagga dharka ah tanoo ay sheegeen iney tahay mid ay kaga dhowrsanayaan xumaan kasta oo ku iman laheyd.

"Ma doonayo in hadaan qurxoonahay iyo hadaan fool xumahay ama aan kor wanaagsan leeyahay ay dadku i fiiriyaan, sidaas aawadeed ayaan u doortay inaan la eegin waxaan ahay" ayey raacisay mid kamid gabdhahaasi oo u warameysay wargeyska GT oo aan warbixintan kasoo xiganay.
Dhinaca kale siyaasiinta gobolka Gothenburg ayaa aragtiyadooda siyaasadeed ee ku wajahan xijaabka gabdhahan soomaalida ah ka baxshay waxeyna sheegeen in arrintani ay dhalisay buuq aan si sahal ah xal loogu heli karin ama aan maanta qaanuun cusub loo soo rogi karin, haddii ay timaadana ay saameyn weyn ku yeelan karrto xijaabka caadiga ah ee muslimiintu xirtaan.

Siyaasinta oo arintan xijaabka u arka arrin aan sahlaneyn ayaa sheegay ineysan ahayn su'aal quseysa gobol iyo degmo toona ee ay tahay mid quseysa wasaarada waxbarashada siddii ay arintan uga baaran dagi laheyd oo wax uga qaban laheyd.

Haweeneyda la yiraahdo Ann Sofie Roald oo ah haweney islaamka wax ka qorta kuna xeel dheer amuuraha haweenka muslimiinta, islamarkaasina wax ka dhigta Jaamacada Malmö ee dalkan Sweden ayaa qabta in haddii lasoo roggo sharci xakameynaya ama diidaya xijaabka gabdhaha muslimiintu xirtaan iney markaasi wax u dhimeyso xorriyada diidamaha ee dalkan ka jira basle tahay su'aal aan jawaabta la heli karin.

Shaqsiyana ay aaminsan tahay in xijaabka uu yahay mid muhiim ah, islamarkaasina ay dhici karto in dumarka xijaaban kaga badbaadaan wixii dhibaato ah sida ay diintooda fareyso.

Ugu danbetii sheekada ku sabaasan labadan gabdhood ee soomaalida ah ee xijaabkooda muranka dhaliyey ayaa noqotay mid aad u soo jiidatay dareenka dadka swidhish-ka ah oo qaarkood awalba dhibaato xagga midabka ah shisheeyaha dalkan ku hayey.

Dalkan Sweden waxaa uu kamid yahay dalal dhowr ah oo ku yaala reer galbeedka kuwaasoo muslimiinta joogta sidey doonaan ugu noolaan karaan iyagoon wax caadis iyo naceyb toona loo heyn dhaqanka iyo diimaha ay heystaan. Dhab ahaan dalkani waxaa kamid yahay dalalka safka hore kaga jira ee muslimiintu heystaan xornimo buuxda kuwaasoo goob kasta ku caabudi kara Rabbigooda.

Magaalada Malmö oo ah magaalo madaxda sadexaad ee dalkan Sweden ayaa waxaa ku yaala masaajidka ugu weyn ee lee yihiin muslimiinta ku dhaqan guud ahaan dalalka ku yaala waqooyiga Yurub ee iskaandaneefiyanka loo yaqaano kaasoo dhawaan kooxo careysani ay dab qabadsiiyeen iyagoo waxyeelo ay oo gaartay dhismihi masaajidkaasi iyo qolalkii carruurta Quraanka loogu dhigay jiray
qaarkoodna ay hoy u aheyd.

Isha warka: Wargeyska GT- Göteborgs Tidning, Radio Sweden, Gothenburg Post

guji halkan Si aad u soo dirto email.