Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso


Islamic links
mucjiso
Somali Media
Ansaar.net<
risaala.com
radiowarsan.com
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar

Kitaabta halka ka dhegayso
Arbiciinu Xadith
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)


Qolka Muxaadarooyinka Muxaadaroyin Nadwadii Ohio (April30-May2/2004)
Muxaadaroyin mu'tamrkii Minneapolis (Dec 2003)
Muxaadaroyin mu'tamrkii Ohio (Sep 2003)
Nadwo lagu qabtay Nayrobi (Janayo 2004)
Muxaadaroyin Muuqaal ah
Qolka Gabdhaha
Su'aalaha halka ku soo dir
Muxadarooyin Af carabi ah


Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe

Masjidul-raxma ee magaalada Garoowe oo ay ka bilaabmatay Maxaadaro diini ah caawa

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com

Garoowe:-Masjidul-raxma ee magaalada Garoowe ayaa salaada Maqrib kadib waxaa ka bilaabmatay Maxaadaro diini ah oo loogu magacdaray In la raaco Sunada Nabiga NNKH lagana tago Bidcada ama waxyaalaha lagu soo siyaadiyay Diinta, taas oo ay wadaan Culimo caan ka ah Guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Puntland oo ay ku jiraan kuwo ka yimid dalka dibadiisa. Culimadaan ayaa waxaa ka mid ahaa , Sheekh Maxamed Idiris, Sheekh Cismaan Garwayne, Sheekh Axmed C/samad,Sheekh Xasan Maxamed, Sheekh Fu'aad,Sheekh C/qaadi Nuur, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Sheekh Idiris oo Maxaadarado dheer halkaas ka soo jeediyay caawa ayaa ku dheeraaday waxyaalaha bidcadaha ah ee lagu soo kordhiyay diinta Islaamka oo aan loo baahnayn in lagu dhaqmo iyo khataraha laga dhaxli karo. Sheekh Idiris ayaa sheegay in looga badbaadi karo waxyaalahaas bidcada ah ayadoo la raaco Sunada Nabiga NNKH iyo diinta Islaamka oo labarto taas ayaa lagu badbaadi karaa ayuu yiri sheekhu. Sidoo kale Culimadu ayaa waxa ay ka jawaabayeen su'aalo si toosa ay u soo waydiinayeen dadkii dhagaysanayay Maxaadarada. Muxaadaradaan ayaa lagu wadaa in ay socoto muddo sadex casho ah,taasoo ay dadku si wayn uga faa iidaysan doonaan inta ay socoto. Dhanka kale Masjidul-hudaa ee magaalada Garoowe ,ayaa isna waxaa ka bilaabmay shalay aqoon kororsi loogu faa'iidaynayo ardayda ka soo baxday dugsiyada sare iyo kuwa haatan dhigtaba iyo kuwa caafimaadka barta,kuwaasoo la rajaynayo in loo qabto tartan isla mar ahaantaasna la siiyo abaal marino kuwa gala kaalmaha ugu horeeya. Sheekh.C/raxmaan oo ka mida Ducaada Gobolada Puntland waxna kawada aqoon kororsigaan oo wax laga waydiiyay cida maalgalinaysa ayaa sheegay in ay yihiin dadka wax la barayo reer Nugaaleed, dadka maalgalinayana ay yihiin reer Nugaaleed. Waxaa xusid mudan in dhawaan masjidul-saxaaba ee magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay Nadwad diini ah taasoo ay dadku si wayn uga faa'iidaysteen mudadii ay socotay. Axmed C/salaam Xafiiska dacwada iyo tarbiyada dacwah@hotmail.com

guji halkan Si aad u soo dirto email.