Home|    Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso
Wargayska Ilays
Caddadka 1aad Caddadka 2aad Caddadka 3aad Caddadka 4aad
E-mail kaaga geli halkaan si aad ula socoto wixii ku soo kordha qolka insha allaah
Islamic links
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka
Maqaalo  Afcarabi ah
U dabaal degga ciidda Mowliidka
tobanka dilxija iyo fadligeeda
Xajka iyo fadliga uu leeyahay
Xanta iyo xumaanteeda  
Axkaamta Furiinka (Dalaaqa):  
hadyigii nabiga ee zakaatu fidriga  
Duruus ku saabsan Ciidda  
Duruus ku saabsan Zakaatu fidriga  
Ramadaanka iyo Tawbadkeenka alle  
Duulaamadii iyo dhacdooyinkii
dhacay bisha ramadaan
 
Cadaawadda Muslimiinta iyo Yuhuuda  
Todobaatan Mas'alo oo ku saabsan
bisha ramadaanka
 
Afartan Nasiixo (Talo) Hagaajinta
Guryaha(Qoyska)
 
Nahyiga ku soo arooray in la
soomo Maalinta shakiga
 
In layska reebay in maalin ama
laba maalmood laga hormariyo
bisha ramadaan
 
Mawaadiic ku saabsan Ramadaanka  
Fadliga Salatu laylka  
Fadliga uu leeyahay Ictikaafka
iyo Axkaamtiisa

Sugidda uu alle sugo Adoomihiisa Mu'miniinta ah
NuurkaHanuunka
Noolaynta Sunada
Dardaaranka ilaalinta kitaabka ilaahay
ilaahay ka cabsada oo u cadaalad sameeya caruurtiina
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey  
qolka Muxaadarooyinka
halka ka gal
Click Here
Muxaadarooyin
Muuqaal ah
Click Here
Kitaab Maqalka Ah
Arbiciin
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha
walaal soo qor
suaalaha aad qabto
Click Here
Waqtiyada Salaada
Click Here

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Tafsiirka Qur'anka
Sh. Cumar Faruq
Click Here

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)

muxaadarooyin muqal ah

Where African-Americans
Muslim From Start

Click here
Those Whose Du'aa is
Answered by Allah

Click Here

Geerida Ayaa Waano Noogu filan

Waxaa diyaariyey
Cabdiqani M. Calixagaa (qardhaawi)

Marka U horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida alle, sida allaah uu quraanka kariimka ah noogu sheegay{dadyahaw mu’miniinta ahi haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj (nabad gelyo) wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}. Sida aynu wada ogsoonahay Eebe nooma abuuran dheel-dheel wax walbana waa naloo kala cadeeyey. Ajasha (mudada) qofka loo qabtay waa wax kooban, qof walibana maalin ayuu dhimanayaa laakiin yididiilada iyo waxyaalahu qofku had iyo goor ku fakeraa waa mid aan dhamaanayn. Waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay ama mayd la sii wado, ma ku fekertay marna xiliga aad adiguna dhimanaysid. Dadka ahlu cilmiga ah (aqoon yahanada diinta) waxay yiraahdaan markay ka hadlayeen dadka geerida iyo Eebe ilaaway, [ dadka geerida ilaaway wax kasta oo ay ururshaan ma dhergaan, mana gaaraan waxa ay ku fekerayaan (yididiilada), aduun aan wax tarayn ayay ururiyaan, meel ayan degayna ayay dhisaan, aduunyo aanay gaarayna way ku fekeraan.] siduu Eebe quraankiisa ugu yiri, { iska dhaaf ha cuneen oo ha raaxaysteen waxaa mashquuliyey yididiilada ay ku jiraan goor dambe ayaay ogaan doonaan.( al xijri 3)}. Sidoo kale wuxuu Eebe yiri { ka waran haddan u raaxayno sanado ka bacdina uu u yimaado wixii aan u yaboohnay (geerida iyo cadaabaka), maalkii ay ku raaxaysanayeen waxba u tari maayo maalintaa.(Shucaraa 205- 207)}. Qofkasta oo muslim ah waxaa laga doonayaa in uu had iyo goor xusuusnaado dardaarankii Nabigeena nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri {waxaad had iyo goor xusuustiisa badisaan kan macaanka iyo raaxada gooyo oo ah geerida}. Waa hadal kooban oo aad ka fahmi karto waxyaalo aad u tiri badan kuna xusuusinaya meesha aad maanta joogto iyo waxa kaa dambeeyo in aad had iyo goor sahay u qaadato meesha aad barri tagi doonto. Shiikh culumada muslimiinta ka mid ah ayaa wuxuu yiri [ ilaah ayaan ku dhaartaye qof kasta oo nool inaga inaka mid ah wuu dhimayaa ka bacdina wuu baaliyoobayaa (dhamaanayaa jirkiisu) dabadeedna dhulka ayaa cuni jirkeena iyo dhiigeena sidii aan hore dhulka wixii ka soo baxa aan u cuni jirnay, dabadeedna waxaa imaanaya Eebe hadalkiisii ahaa { Marka suurka (buunka) la afuufo waxaa suuxi doona (dhiman doona) cidkasta oo joogta dhulka iyo samada ilaa ciddi eebe doono maahee , dabadeed markale ayaa la afuufi doonaa Waxaa la arki dadkii iyagoo wada taagan oo qabrigii ka soo baxay ( zumar 68)}. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabiga (nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu soo aaday dhinaca qabuuraha si uu uga qayb galo qof la aasayay, markuu nabigu soo gaaray qabriga afkiisa ayuu nabigu fariistay wuxuu bilaabay inuu ooyay, ilmadii nabiga ka soo baxday ilaa ay qoysay ciidii saarnayd qabriga daantiisa, saxaabadii nabigu waxay bilaabeen inay aamusaan iyago la yaaban oohinta nabiga oo hore loogu dhaafay dambigiisa, wax yar ka bacdi ayaa nabigu isaga oo ooyaaya wuxuu saxaabada ku yiri “walaalahaygiiyow tan oo kale u diyaar garooba waxay soo maraysaa qof kasta oo idinka idinka mid ah”. Nin ayaa nabiga wuxuu waydiiyay qofka dadka u caqli badan, wuxuu nabigu yiri “dadka had iyo goor xusuusta geerida oo had iyo jeerna u diyaar garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli badan, waxayna la tageen sharaftii aduunyada iyo karaamadii aakhiro” (ibnu maajah). Sidaan ognahay dadka maanta qabuuraha ku jiraa waxaa laga yaabaa inay ahaayeen dadka aduunka u raaxa badan una waqti (cimri) dheeraa, ama dadka ugu sharaf badan, maantana waxaa guryo u noqday qabuuraha, waxaa wehel u ah mugdiga, darisna waxaa u ah lafaha dadkii hore u geeriyooday, maalkoodii waa la qaybsaday, waxaa dhab ku noqotay Eebe hadalkiisii aaha { ma waxaad moodeen in aan idiin abuunay dheel-dheel oo marnaba xagayaga aydan u soo noqonayn (mu’minuun 115)} . Marna walal ma ku fekertay maalinta aad dhimanaysid, maalinta aadan lahayn xeelad aad uga fakato geerida, marka geeriduna kuu timaada qoomamo ku anfacayn, hadda ayaad haysataa waqti waxaad hor istaagi doontaa Eebaha aan wax ka qarsoomi karaa aanan jirin sida Eebe quraankiisa ku yiri {maalinta eebe laydiin soo bandhigi doono, maalintaa wax Eebe ka qarsoomaya aanan jirin ( alxaaqa 18)}. Sidoo kale wuxuu alle noo sheegay qofkasta inuu dhimayo wuxuuna ku yiri quraanka kariimka ah, { Naf waliba waxay dhadhaminaysaa geerida, maalinta qiyaamana qof waliba wixii camal ah uu la yimi ayaanu siinaynaa, qofkii laga dheereeyo naarta janadana la geliyo wuu liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax kadisa. (aala cimraan 185)}. Inaad had goor xusuusnaato geerida kana fakarto wixii camal ah oo aad samaysay waxay ka mid tahay waxyaalaha Eebe loogu dhowaado, wax kasta ood aduunkaan ku haysatana aduunka ayaad uga tagaysaa waxaa ku raacayaa camalkaaga, haddii uu yahay mid xun waxaad la kulmaysa wax xun hadii uu wanaagsan yaahayna waxaa la kulmaysaa wax wanaagsan, marka Eebe loo tagana wuxuu eebe oran { waxaad maanta noo timaadeen qof waliba isagoo kaligii ah sidii aan markii hore idiin abuurnay wixii aduunka aad ku hayseena gadaal ayaad uga timaadeen. Waxaa walaalayaal waano iyo wiciid noogu filan geerida.

guji halkan Si aad u soo dirto email.