Ninkii soo saaray Filmkii Ayan Hirsi ee lagu caynayey diinta Islaamka oo shalay lagu khaarajiyey Amsterdam
 Amsterdam :- Mid kamid ah ragga sida weyn u neceb Diinta Islaamka oo u dhashay dalka Holland ayaa shalay lagu dilay bartamaha magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Holland, kadib markii uu toogtay 26 jir Muslim ah.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Thoe Van Gogh ayaa ahaa ninkii dhawaan soo saaray Film lagu aflagaadeenayo Diinta Islaamka iyo Quraanka kariimka, filmkaasi oo ay ka danbeysay haweyneeda gaalowday ee Ayan.
Ninkan oo horey u aflagaadeeyey muslimiinta, Nabiga (scw) iyo Illaahey iyo Quraankiisa ayaa waxaa si weyn dilkiisa uga naxay shacabka dalkaasi Holland oo ayagu ninkan u heystay inuu ahaa aftahan caan ah.
Dilka ayaa dhacay subaxnimadii shalay saacadu markay ahayd 9kii subaxnimo ayadoo uu wiil u dhashay dalka Marooko oo da'adiisa lagu sheegay 26 jir uu rasaas ooda uga qaaday kadibna mindi ka taagay, asagoo markaa waraaq afcarabi ku qoran tahay uu dul saaray meydka ninkaasi.
Ninka dilkaan geystay ayey gacanta ku dhigeen ciidamada Booliiska kadib markii iska horimaad hubeysan uu dhexmaray nin wax dilay iyo Booliiska, waxaana iska horimaadkaasi ku dhaawacmay ninka muslimka ah iyo nin Booliis ah.
Mr. Thoe ayaa ahaa nin sameeya aflaamta iyo waliba qoraa laga yaqaan dalkaasi Holland wuxuuna kamid ahaa dadka aaminsan in ay diinta Islaamka ay tahay khatar weyn.
Dad gaaraya 20.000 ayaa xalay isugu soo baxay magaalada Amsterdam in ay ka mudaharaadaan dilka ninkan ayadoo ay Muslimiinta dalka Holland ay si weyn u dhaliiceeyeen dilkan ayagoo sheegay in ninkaasi uu ahaa nin hada iyo jeer aflagaadeeya diinta balse aysan ahayn in ay arrintu gacan ka hadal iyo dagaal isku bedasho.
Inkastoo ay ururada Muslimka ay arrintan dhaliiceeyeen ayaa hadana waxaa la oron karaa dilkan wuxuu ka tarjumayaa heerka uu marayo xanaaqa iyo dhibaatada ay sheeganayaan muslimka Holland oo ayagu aaminsan in ay bartilmaameed u noqdeen cunsuriyiinta iyo kuwa kale ee Diinta Islaamka neceb.
.
|