Kulamo kala duwan oo dhaqaale loogu uruurinayo Jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso.
Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com
Boosaaso:-horaankii bishan Octoobar ayaa waxaa lagu qabtay hoolka wayn ee Jaamacadda Bariga Afrika shir balaaran oo dhaqaale loogu uruurinayo isla Jaamacadda Bariga Afrika oo ah jaamacadii ugu horaysay ee laga furo gobolada waqooyi bari.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qabygalay Isimo,Culimo, Aqoonyahano,Ganacsato iyo xubno ka mid ah maamulka Gobolka Bari. Waxayna ka soo qaybgalayaashu warbixin ka dhagaysteen maamulka Jaamacadda oo iyagu soo bandhigay miisaaniyadooda sannadka 2005, kaasoo ay ku qiyaaseen qiyaastii 205 kun oo doolarka Maraykana ah, taasoo isugu jirta, Mushahaar,Balaarin iyo Qalabay iyo weliba biilka qaybo ka mid ah ardayda dhigata oo aan awoodin inay iska bixiyaan cuntada.
Sidoo kale waxaa kullankaan ka hadlay culimo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamad Iiris oo ka mid ah jaaliyadda Puntland ee dalka Maraykanka, wuxuuna Shiikhu si wayn uga hadlay sida ay bulshadu isugu fillan tahay hadii ay isku tashato.
Kullankaan oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa ay ka soo qaybgalayaashii ugu hibeeyeen Jaamacadda Bariga Afrika lacag dhan $55,500 (Konton iyo shan kun iyo shan boqol oo dollar) waxaa kaloo loogu deeqay afar bogcadood oo dhul ah.
Dhanka kale waxaa habeenimadii xalay lagu qabtay masjidka Al-Rowda ee magaalada Booosaaso muxaadaro ka hadlaysay in wax lagu bixiyo wadooyinka khayrka, taasoo markii danbe kaalmo dhan 20,000 (Labaatan kun oo dollar),lix bogcadood iyo weliba dahab loogu aruuriyay Jaamacadda Bariga Afrika.
Labadan kulan oo runtii ahaa kuwo si wayn loo soo agaasimay ayaa muujinay sida
ay bulshadu ugu heelan tahay wax qabadkeeda haddii ay hesho cid ku baraarujisa, waxaa kaloo laga dheehan karaa in aysan u baahnayn kaalmo shisheeye, bal ay iyagu bixin karaan kaalmo.
Puntlandpost,Boosaaso.
|