Home|    Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso
Wargayska Ilays
Caddadka 1aad Caddadka 2aad Caddadka 3aad Caddadka 4aad
E-mail kaaga geli halkaan si aad ula socoto wixii ku soo kordha qolka insha allaah
Islamic links
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka
Maqaalo  Afcarabi ah
U dabaal degga ciidda Mowliidka
tobanka dilxija iyo fadligeeda
Xajka iyo fadliga uu leeyahay
Xanta iyo xumaanteeda  
Axkaamta Furiinka (Dalaaqa):  
hadyigii nabiga ee zakaatu fidriga  
Duruus ku saabsan Ciidda  
Duruus ku saabsan Zakaatu fidriga  
Ramadaanka iyo Tawbadkeenka alle  
Duulaamadii iyo dhacdooyinkii
dhacay bisha ramadaan
 
Cadaawadda Muslimiinta iyo Yuhuuda  
Todobaatan Mas'alo oo ku saabsan
bisha ramadaanka
 
Afartan Nasiixo (Talo) Hagaajinta
Guryaha(Qoyska)
 
Nahyiga ku soo arooray in la
soomo Maalinta shakiga
 
In layska reebay in maalin ama
laba maalmood laga hormariyo
bisha ramadaan
 
Mawaadiic ku saabsan Ramadaanka  
Fadliga Salatu laylka  
Fadliga uu leeyahay Ictikaafka
iyo Axkaamtiisa

Sugidda uu alle sugo Adoomihiisa Mu'miniinta ah
NuurkaHanuunka
Noolaynta Sunada
Dardaaranka ilaalinta kitaabka ilaahay
ilaahay ka cabsada oo u cadaalad sameeya caruurtiina
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey  
qolka Muxaadarooyinka
halka ka gal
Click Here
Muxaadarooyin
Muuqaal ah
Click Here
Kitaab Maqalka Ah
Arbiciin
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha
walaal soo qor
suaalaha aad qabto
Click Here
Waqtiyada Salaada
Click Here

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Tafsiirka Qur'anka
Sh. Cumar Faruq
Click Here

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)

muxaadarooyin muqal ah

Where African-Americans
Muslim From Start

Click here
Those Whose Du'aa is
Answered by Allah

Click Here
Diinta - 70-ka danbi oo ugu waaweyn Diinta Islaamka (kabaa'irta)
Qore: Ahmed N. Osman
Quraankeenna kariimka ah iyo sunnada nabigeena suubban calehi salaatu wasalaam (CSW) waxay marar badan ka hadleen danbiyada waaweyn oo la doonayo inuu qofka Muslinka ahi iska ilaaliyo. Iyada oo ay lagama maarmaan tahay in qofka Muslimka ahi uu iska ilaaliyo danbiyada kuwa yar-yar iyo kuwa waaweynba, ayaa hadana waxaa aad muhiim u ah inuu qofku yaqaan danbiyada waaweyn si uu uga fogaado, haddii aan qofku aqoon danbiyada waaweyn sidee ayuu isaga ilaalinayaa?. Maadaama ayan jirin hal aayad ah ama hal xaddiis ah oo koobaya danbiyadaas ayna ku kala firiqsan yihiin meelo kala duwan oo quraanka iyo axaadiista nabiga (CSW) ka mid ah. Marar badan ayaad Quraanka ku arkaysaa iyada oo Ilaahay uu dadka muuminiinta ah ku tilmaamayo inay yihiin kuwa ka fogaada danbiyada waaweyn.

Culumo badan ayaa ku dadaalay inay danbiyadaas hal kitaab ah isugu keenaan si ay dadka ugu fududeeyaan. Culumada danbiyada waaweyn wax ka qoray iskuma raacsana inta ay tahay tirada danbiyada waaweyn. Culumadu waxay is weydiiyeen maxaa la oran karaa danbi weyn ( Kabiirah) ama danbiyo waaweyn (kabaa’ir). Culumadu waxay yiraahdeen danbi waxaa la oran karaa waa mid weyn haddii:-

  1. Danbigaas Ilaahay ama nabiga (CSW) ay ku tilmaameen inuu yahay mid weyn.
  2. Uu jiro xad lagu oogo qofkii danbigaas gala, tusaale ahaan marka Ilaahay leeyahay “Tuugga (nin) iyo Tuugadda (dumar) haddii ay wax xadaan gacmaha ha laga jaro” waxay ku tusaysaa inay xatooyadu tahay danbi weyn, maadaama Ilaahay amar ina ku siiyay inaan xad ku oogno.
  3. Uu Ilaahay ama nabigu CSW ay qofkii danbigaas gala u sheegeen inuu naar mutaysanyo. Ama ay yiraahdeen nacalad ayaa ku dhacaysa qofkii sameeya.

Hadaba waxaan haddii Ilaahay raalli ka noqdo halkaan inoo ka bilaabanaya kitaab ka mid ah kuwa ugu caansan oo laga qoray danbiyada waaweyn. Sababta ugu weyn oo aan u doortay kitaabkaan waa isaga oo gaarsiiyay tirada danbiyada waaweyn ilaa 70 danbi. Kitaabka waxaa la yiraahdaa “kitaabul al-kabaa’ir” oo macneheedu yahay “kitaabkii danbiyada waaweyn” , waxaa qoray nin la yiraahdo shamsul-diin al-dahabi.
Al-dahabi wuxuu ku dhashay magaalada Dimishiq waddanka Suuriya sanadku markuu ahaa 1273-dii, wuxuu dhintay 1348-dii. 

Danbiga Koowaad: Shirkiga 
Danbiga danbiyada ugu weyn waa shirkiga oo macnihiisu yahay in qofku Ilaahay wax la wadaajiyo oo uu wax yaalo Ilaahay gaar u ah uu cid kale siiyo sida inuu qofku caabudo wax aan Ilaahay ahayn ama uu baryo ama uu rumeeyo in cid aan Ilaahay ahayn ay wax u dhimi karaan ama ay wax tari karaan. 
Shirkigu wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:

  • Qaybta koowaad: waa shirkiga weyn oo uu qofku cid aan Ilaahay ahayn caabudo ama uu awooddii Ilaahay cid kale u rumeeyo. Shirkiga weyn meelo badan ayaa quraanku uga hadlay, waxaa ka mid ah marka Ilaahay leeyahay “Ilaahay qofna uma dhaafo haddii uu wax la wadaajiyo, qofkii uu Ilaahay doonana waa u dhaafaa wixii shirkiga ka soo haray” suuradda al-nisa aayadda: 48aad.
    Mar kalena Ilaahaywuxuu yiri “qofkii Ilaahay u shariig yeela, Ilaahay janada waa ka xaaraanshay, wuxuuna ku waarayaa naarta” suuradda Al-maa’idah aayadda: 73aad. Dhinaca Axaaddiista , Nabiga CSW ayaa saxaabada ku yiri “ma idiin sheegaa 3-da danbi oo ugu waaweyn?” saxaabadii ayaa yiri “haah, noo sheeg rasuulkii Ilaahayow”, nabigu wuxuu yiri “ Shirkiga, waalidka oo lagu caasiyo iyo shaahadatul zuurka (been lagu markhaati kaco), waa xaddiis ay Muslim iyo Bukhaari isku waafaqsan yihiin (mutafaqun calehi).
  • Qaybta labaad: Is-tustuska: shirkiga qaybtiisa labaad waa is-tustuska, waa iyada oo qofku markuu cibaadaysanyo uu meeshuu Ilaahay uga niyaysan lahaa uu cibaadada u sameeyo halagaa sheego ama ha lagu arko iwm. Axaadiis badan ayaa ku soo aroortay is-tustuska. Nabiga CSW ayaa laga soo wariyay inuu yiri “ waxaan idiinkaga digayaa shirkiga yar” saxaabadii ayaa waydiiyay “ waa maxay shirkiga yari?” nabiga csw ayaa ugu jawaabay “ waa is-tustuska”. Axaadiis aad u faro badan ayaa ku soo arooray in qofkii aan cibaadadiisa Ilaahay ula niyaysan uusan ka helayn wax ajar ah.

guji halkan Si aad u soo dirto email.