Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso
 

Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu naga aqbalo bishii ramadaan aan soonay iyo salaadihii aan tukanay

nabigu sala laahu calayhi wasalam wuxuu yiri aduunka ku ahaw sidi qof safar ah.

oo yimi geed hoostii kana gudbay

Cabdilaahi ibnu cumar wuxuu oran jiray hadii waagu kuu baryo haku ha sugin in aad galabaysato,

Hadaad galabaysatana ha sugin subaxdii

 
Islamic links
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflaxa.com

islamicschool
masjidabubakar
islamway.com
islamonline



Dugsiyada magaalada
Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka
Maqaalo  Afcarabi ah
tobanka dilxija iyo fadligeeda
Xajka iyo fadliga uu leeyahay
Xanta iyo xumaanteeda  
Axkaamta Furiinka (Dalaaqa):  
hadyigii nabiga ee zakaatu fidriga  
Duruus ku saabsan Ciidda  
Duruus ku saabsan Zakaatu fidriga  
Ramadaanka iyo Tawbadkeenka alle  
Duulaamadii iyo dhacdooyinkii
dhacay bisha ramadaan
 
Cadaawadda Muslimiinta iyo Yuhuuda  
Todobaatan Mas'alo oo ku saabsan
bisha ramadaanka
 
Afartan Nasiixo (Talo) Hagaajinta
Guryaha(Qoyska)
 
Nahyiga ku soo arooray in la
soomo Maalinta shakiga
 
In layska reebay in maalin ama
laba maalmood laga hormariyo
bisha ramadaan
 
Mawaadiic ku saabsan Ramadaanka  
Fadliga Salatu laylka  
Fadliga uu leeyahay Ictikaafka
iyo Axkaamtiisa

Sugidda uu alle sugo Adoomihiisa Mu'miniinta ah
NuurkaHanuunka
Noolaynta Sunada
Dardaaranka ilaalinta kitaabka ilaahay
ilaahay ka cabsada oo u cadaalad sameeya caruurtiina
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey  
qolka Muxaadarooyinka
halka ka gal
Click Here
Kitaabta halka ka dhegayso
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha
walaal soo qor dhamaan
suaalaha aad qabto
Click Here
Waqtiyada Salaada
Magaalada aad joogto ka dooro
aduunka oo dhan
Wadanka ama magaalada:

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)

Tafsiirka Shiikh
Shiikh Cumar Faaruuq
Halka ka dhagayso

muxaadarooyin muqal ah
Kibirka
Ragga Xambaaray Qur'aanka
Guurka iyo Barakadiisa
Where African-Americans
Muslim From Start

Click here
Those Whose Du'aa is
Answered by Allah

Click Here

Tilmaamaha Macalinka Suuban
Waxaa diyaariyey: Shiikh C/rashiid Maxamed Aabi

Macalinku waa midka haya amaanada tarbiyeynta ubadka soo koraya, runtiina waa amaano culus oo u baahan qofka u soo banbaxayaa inuu yahay qof leh tilmaamaha laga doonayo qofka lagu aaminayo maskaxda iyo fikirka ubadka soo koraya. Gaar ahaan qofka baraya diinta islaamka oo doonaya inuu soo saaro jiil ilaahey kaliya caabuda wuu ka sii mas'uuliyad culus yahay midka maadada kaliya baraya, maxaa yeelay maanta waxaa badan fitnada iyo diin kasaarida iyo weliba waxyaabaha ubadka soo koraya si sahlan jidka ilaahey ooga leexinaya.

Macalinka dadka kheyrka baraya maanta waxaa lagu tilmaamaa "Qof doonaya daad soo rogmadey inuu u celiyo dhinicii uu ka yimid" taas oo macnaheedu yahay dadka intooda badan ayaa ka hor imaanaya waxa uu dadka ugu yeerayo ee kheyrka ah, taas waxaa markhaati u noqonaya hadalkii uu abuu hureyre nabiga caleyhi salaatu wasalaam ka wariyey ee uu yiri "Aniga iyo umadeydu waxaan ka dhiganahay sidii ninka dabka shitey oo kale oo markaa ay baalaleydu ku daadaneyso, aniguna guntiga ayaan idinka hayaa idinkuna waad ku daadaneysaan oo ku faro baxsaneysaan" wuxuu ku yaalaa saxiixeynka.

hadaba macalinku si muhimadaa culus si sahlan ugu guto waa in laga helaa tilmaamahan:

  • Macalinku waa inuu yahay mid caqiido saliim ah leh, oo ictiqaadkiisu kabad qabo dhamaan wixii wax u dhimaya ee ama gaalnimo,fisqi, iyo diin badalid ah. Waana in caqiidadiisu tahay mid ku saleysan manhajka salafu saalix "diinta u fahmey sidey u fahmeen saxaabadii nabiga iyo taabiciyiintu" waana inuu macalinku ka badbaado qabo dhamaan caqaa'ida ku salaysan maadada, cilmaaniyada iyo ilaah diidnimada.
  • waa inuu yahay qof laazimaya faralka iyo waajibaadka ilaahey saarey isla mar ahaantaana dhowraya sunooyinka oo inta karaankiisa ah ku dadaalaya inuusan ka tagin. waa inuu ka dheeraanayo waxyaabaha ilaahey reebay(muxaramaadka )ah iyo weliba waxyaabaha sharcigu karaahsanayo(makruuhaadka) la imaanshahooda kuwaas oo noqon kara ficil, hadal, mid muuqda iyo mid qarsoonba.
  • waa inuu yahay mid ilaahay muraaqabeynaya sirtiisa iyo muuqaalkiisaba, oo rajeynaya abaalmarinta ilaahey haduu wanaag sameeyo, kana baqaya ciqaabtiisa haduu xumaan la yimaado. Waa inuu yahay mid aad ugu feejigan waxa uu sameynayo oo naftiisa ku xisaabinaya turaanturadeeda iyo simbiririxadeeda labadaba, waa inuu ku dadaalayo wixii naftiisa islaaxinaya oo toosanaya dhimanaantiisa oo hagaajinaya khaladkiisa intii suuro gal ah.
  • waa inuu yahay mid cilmiga dalbaya oo fahamka diinta ku dadaalayo,waa inuusan ku gaabsaneynin xifdiga qur'aanka kariimka kaliya ah iyo baridiisa -iyadoo taasi ay weyn tahay-hadana waa inuu ku deydaa culimada ehlul kheyrka ah oo cilmiga ka qaataa sida: caqiidada, xadiithka ,tafsiirka, iyo luqada.
  • waa inuu og yahay naftiisa qadarkeeda oo uusan ku hodmin Dadka amaantooda, waana ineysan u soo dhuumanin is cajabintu, iyo ku kadsoomid uu ku kadsoomayo badnaanta ardeyda wax ka baraneysa ama dhegeysanaysa.
  • waxa ku xambaaraya diin baristu waa iney ahaadaan:
    • faafin uu faafinayo qur'aanka kariimka ah iyo cilmiga islaamka iyo ajir raadin uu ilaahey kaga doonayo xasanaad badan inuu kaga siiyo qur'aanka uu dadka barayo Isagoo ka duulaya xadiiskii nebiga caleyhi salaatu wasalaam uu ku yiri "waxaa idiinku kheyr badan midka qur'aanka barta oo dadkana bara"
    • inuu yahay camalkiisu ku dayasho uu ku dayanayo nabigeena caleyhi salaatu wasalaam iyo saxaabadiisa iyo salafkii umada ee suusuubanaa oo noloshoda oo dhan u hibeeyey ilaahey diintiisa u gargaarideeda.
  • Waa inuu yahay mid ku sifeysan akhlaaqda iyo aadaabta wanaagsan, oo iska ilalinaya waxyaabaha wax u dhimaya muruu'ada iyo shakhsiyada macalinka. Diinta islaamkuna waxyaabaha ay la timid waxa ugu weyn dhameystirka akhlaaqda wanaagsan nabigeenuna wuxuu yiri "waxaa layla soo direy inaan dhameystiro akhlaaqda wanaagsan" nebigeenuna wuxuu ahaa mid ku sifeysan akhlaaqda wanaagsan sida uu ilaahey subxaanahu watacaalaa quraanka ku sheegay "Waxaa tahay nebi allow mid ku sugan akhlaaq wanaagsan" suuratul-nuun inagana nebigeena dayasho wanaagsan ayaa inoogu sugan. Dabeecada wanaagsan waxey diinteenu fartey dadka iska caadiga ah, qofka dadka kheyrka ugu yeerayana wuu ka sii faranyahay dadka kale oo dhan.
  • waa inuu aduunka ka zaahidaa oo yareystaa ku faruur xidhnaanta dhal-dhalaalka mataacdeeda,macaankeeda iyo weliba ehelkeedaba, iyadoo aan ognahay ka qaadashada waxa lagama maarmaanka ah ee aduunyada ka mid ah inuusan ka hor imaaneynin zuhdiga iyo qanaacada toona. Manta dhibaatada ugu weyn ee shabaabka saxwada heysata waxaa lagu tiriyaa aduunyo jeceyl ilaahey ayaan weydiisaneynaa salaamo iyo dhowrsanaan.
  • Waa inuu yahay mid ay ardeydiisu kaga deyan karaan dhamaan hadalkiisa, ficilkiisa iyo falalkiisa oo dhan sida uu ugu dhaqmayo qur'aanka,iyo weyneynta uu qur'aanka weyneynayo iyo ehlul qur'aankaba. Waa inuu yahay mid qur'aanka uu xambaarsanyahay camalkiisu ka turjumayo oo laga garanayo. Imaam al-shaafici ayaa isagoo u dardaarmaya macalinkii alkhaliifatu Haaruun Al-rashiid wuxuu yiri "Ha ahaado waxa ugu horeeya ee aad ku bilaabeyso tarbiyeynta caruurta amiirka mu'miniinta -hagaajinta naftaada,maxaa yeelay indhahoodu waxay ku guntan yihiin indhahaaga, waxaa agtooda ku wanaagsan wixii aad wanaagsato, waxaana agtooda ku xun waxaad xumeysato". Ibnu mascuudna waxaa laga soo weriyaa inuu yiri "ninka uu hadalkiisu uusan waafeqaynin ficilkiisa wuxuu ceebaynayaa oo kaliya naftiisa"

guji halkan Si aad u soo dirto email.