![]() |
||
| Support us| About us| Donation| Contuct us| Abubakar asadiq project| Map | ||
|
| |||||||||
|
Kulankan oo ku dhammaaday guul iyo nabad gelyo, waxaa Dadka ka soo qayb galay waxaaa lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo qof. Waxa kale oo Internetka PalTalk toos uga la socdey boqolaal Soomaaliyeed. Culmo Soomaaliyeed iyo aqoon yahanno aad u tiro badan ayaa ka soo qayb galay (magac culimadii kulanka ka hadlay ka akhri dhammaadka qoraalkan), waxaa kale oo kulankan furitaankiisii yimid oo ka hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee Minnesoya, Thomas Hafilfinger iyo duqa magaalada Minneapolis, R.T. Rayback.Waxaa aad u cajaa'ib badnaa in dumarka Soomaaliyeed oo goobta soo camiray ay 100% ahaayeen kuwo ku xijaaban xijaabaka ay tilmaamtay diinta Islaamku - xijaabkaas oo mid ka mid ah culimadii ka hadlay mu'tamarku uu ku tilmaamay in culimada qarnigan nool ay xijaabka saxda ah ku tilmaameen xijaabka ay qaadaan dumarka Soomaaliyeed. Intii kulanku socdey waxaa goobta mu'tamarka kusocdey shahaadaha loogu qabtay oo ku soo Islaamtay gabar Maraykan ah.
Mu'tamarkan wuxuu ahaa kii ugu faa'iidaada badnaa ee ay yeeshaan bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, waxaa kulankaas lagu soo bandhigay cilmi qofkii goobta joogey aan weligiis ka harayn, waxa uu ahaa mu'tamar qofka u dhisaya fikriyan. Dadka ku guubabinaya in ay diintooda bartaan, adkaystaan dhaqankooda suuban ee Islaamka, ka fogaadaan xumaanta oo dhan, iyo cilmi aan qalin lagu soo koobi karin. Goobta mu'tamarku ka dhacay haddaan sawir ka bixino waxay ahayd faras magaalaha ama bartamaha magaalada Minneapolis, guriga baaxada weyn ee loo yaqaan Minneapolis Convention Center, waa xarunta ugu baxada weyn Minneapolis ee lagu qabsado kulamada waaweyn, waxaa qaybta kulanku lagu qabtay saddexda maalmood lagu kireeyey $40,000. Laakiin sida aan kor ku xusnay cilmiga goobtaas laga faa'iidey laguma cabiri karo lacag qiima kasta oo la sheegona waxaa ka sareeya kulanka ay dad Muslimiin ah kulmeen oo wanaag ku kulmeen ayagoo cilmi kala faa'iidaya. Kulanka waxaa si toos ah loogu caddeeyey in ay dadka Soomaalida ah ku wajahan yihiin barnaamij gaalaysiin ah, barnaamijkaas oo si toos ah ugu wajahan gebi ahaan maujtamaca Soomaaliyeed. Waxaa goobtaas lagu cadeeyey in ay jiraan Soomaali kugula hadlaya afka Soomaaliga oo ku leh gaalo ayaan nahay, waxaa kale oo kulanka laga cadeeyey in meelaha hadda ugu daran dhulka Soomaaliya ee sida ba'an gaalaysiintu ay faraha kulul ugu hayaan ay ka mid yihiin Somaliland, ayagoo baraanmijkaasi hadda kusoo bilaabanayo Puntland, waayo waxaa la sheegay in meelaha nabada ah barnaamijyadaas lagu wajahay. Waxa kale oo kulanka laga cadeeyey in weligeed uu jirey barnaamijka ku wajahan Soomaaliya, sida dhismihii Kaniisad ka dheer masaajidada oo laga dhisay Muqdisho xilligii gumeysiga, inkasta oo kaniisadaas hadda la burburiyey. Barnaamijyadii laga soo jeediyeey kulanka waxaa kamid ahaa:
Waxaa goobta kulanka laga soo jeediyey in uu jiro hal iskuul oo islaami ah oo ku yaal magaalada, tirada ardayda ee iskuulkaas dhigata waa 25% oo keliya aayaa Soomaali ah, halka qiyaastii Muslimiinta Minnesota ay 60% yihiin Soomaali - Tirada Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha (St.Paul/Minneapolis) oo lagu qiyaasaa ilaa 50,000. Waxaa si gaar ah Soomaalida loogu guubaabiyey in ay carruurtooda baraan Islaamka, kuna dadaalaan carruurtooda sidii ay ugu kori lahaayeen dhaqankoodii wanaagsanaa, waa in ay carruurtooda baraan Af-Soomaaliga, waayo waxaa la ogaadey in ay carruur badani ay lumiyneen Af-Soomaaliga. Waxaa soo baxay carruur Soomaaliyeed oo luminya xarfaah' Sida 'X' ayagoo dhehaya 'H'. Luqada Soomaaliga oo luntay ayaana taas sabab u ah. Waxaana mujtamaca deggan Minnesota loogu baaqay in ay dhistaan ama helaan goobo waaweyn oo carruurta soo jiita, isla markaasna aan soo saarno ama dhisno macalimiin tayo leh.
Intii kulanku socdey waxaa lasoo bandhigay mashruuc ballaaran oo muddo ka socdey Minneapolis, mashruucaas oo lagu magcaabo 'Abuubakar Sadiiq Islamic Center', mashruucaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan $2,500,000.00 , waxaana markey taariikhdu ahayd August 31, 2004 mashruuca bangiga u taaley lacag dhan $1,027,000.00. Muslimiinta mu'tamarka kasoo qayb galay ayaa waxay mashruuca Abuubakar ugu deeqeen lacag cadadkeedu dhan tahay $160,000 (Boqol iyo lixdan kun), lacagtaas waxaa goobta lagu bixiyey 10,000, inta kale waa ballan qaad ay Soomaalidii mu'tamarka isugu timid ku ballan qaadeen in ay bixin doonaan - Dabcan mashruucaas waxaa leh Soomaalida . Cajaladihii laga duubay kulan diineedka oo Video ah oo dhamaystiran waxaa laga heli karaa maktabadaha soomaalida ee magaalada minneapolis Gabagabadii mu'atamarka waxaa culimadii la weydiiyey Su'aalo badan, su'aalahaas qaar ka mid ah iyo jawaabihii laga bixiyey waa kuwan: Su'aal:: Su'aal culimada la weydiiyey ayaa ahayd:
ka warama lacagta lagu qaato kaddib marka la sheego in qoyskii ay kala
tageen ama kala maqan yihiin, taas oo been ah? Su'aal:: Sheekooyinka Dhegdheer, Araweelo,
Cigaal Shiidaad oo la iibinayo maxay diintu ka qabtaa? Su'aal: Gabar ninkeedii xabi daa'im lagu xakumay
ma la fasaqi katraa?
Su'aal: Haddii gabar la ii diido qabiilkayga
dartiids maxaa talo ah? Su'aal: Waxaan ahay arday, gabar ayaan raba ain
aan guursado, laakiin carruur in aan dhalo ma rabo wax barshada ayaa iga
lumeysa? Su'aal: Waxaan guursadey nin aan tukanayn
xilligii qaxa anigoo ka baqayay in uu i dilo, kaddib wuxuu raacay
mooryaantii iyo jirigii, muddo 14-sano ah ayaan sugayey, hantidiisa ma
arkaan ninkale ma guursan karaa? Gaba gabadii kulanka waxaa loogu mahad celiyeye dhammaan intii ka qayb qaadatay kulanka.
|
guji
halkan Si aad u soo dirto email.