Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso


Islamic links
Markazu Hudaa
SomaliSunnah
radiowarsan.com
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

masjidabubakar

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka
Maqaalo  Afcarabi ah
U dabaal degga ciidda Mowliidka
tobanka dilxija iyo fadligeeda
Xajka iyo fadliga uu leeyahay
Xanta iyo xumaanteeda  
Axkaamta Furiinka (Dalaaqa):  
hadyigii nabiga ee zakaatu fidriga  
Duruus ku saabsan Ciidda  
Duruus ku saabsan Zakaatu fidriga  
Ramadaanka iyo Tawbadkeenka alle  
Duulaamadii iyo dhacdooyinkii
dhacay bisha ramadaan
 
Cadaawadda Muslimiinta iyo Yuhuuda  
Todobaatan Mas'alo oo ku saabsan
bisha ramadaanka
 
Afartan Nasiixo (Talo) Hagaajinta
Guryaha(Qoyska)
 
Nahyiga ku soo arooray in la
soomo Maalinta shakiga
 
In layska reebay in maalin ama
laba maalmood laga hormariyo
bisha ramadaan
 
Mawaadiic ku saabsan Ramadaanka  
Fadliga Salatu laylka  
Fadliga uu leeyahay Ictikaafka
iyo Axkaamtiisa

Sugidda uu alle sugo Adoomihiisa Mu'miniinta ah
NuurkaHanuunka
Noolaynta Sunada
Dardaaranka ilaalinta kitaabka ilaahay
ilaahay ka cabsada oo u cadaalad sameeya caruurtiina
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey
Axkaamta nikaaxa oo la soo gaabiyey  
Qolka Gabdhaha
Click Here
qolka Muxaadarooyinka
halka ka gal
Click Here
Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe
Muxaadarooyinkii
Mu'tamarka Ohio
Click Here
qolka Muxaadarooyinka
Muuqaalka ah
Click Here
walaal soo qor dhamaan
suaalaha aad qabto
Click Here
Kitaabta halka ka dhegayso
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha
Waqtiyada Salaada
Magaalada aad joogto ka dooro
aduunka oo dhan
Wadanka ama magaalada:

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)

Tafsiirka Shiikh
Shiikh Cumar Faaruuq
Halka ka dhagayso

muxaadarooyin muqal ah
Kibirka
Ragga Xambaaray Qur'aanka
Guurka iyo Barakadiisa
Where African-Americans
Muslim From Start

Click here
Those Whose Du'aa is
Answered by Allah

Click Here
Nadwo lagu qabtay Masaajidka Rawda ee boosaaso iyo su'aalihii lays dhaafsaday

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb kamid ah Nadwo ka bilaabatay magaalada Boosaaso, gaar ahaan Masaajidka Al-rawda bishan Aktoober, maxaadaradan ayaa ah mid wali kasocota magaalada.Nadwadan oo aanu qayb qayb idiinku soo gudbin doono haduu Alle yiraaho ayaan waxaan halkaan maanta idiinku soo gudbinayaa qeybteedii koowaad Su'aalaha iyo Jawaabaha. Culimada ka qaybgelaysa Nadwadaas waxaa ka mid ah sida aad Jawaabahaba ka arki doontaan: Shiikh. C/qaadir Gacamay, Shiikh Daahir, Shiikh C/naasir, Shiikh C/laahi Cali Xaashi, Shiikh Axmed-daahir, Shiikh Xasan Bookh iyo culimo kale.

Waa kuwan su’aalihii la isku dhaafsaday muxaadaraxa iyo jawaabahoodii:

1) Su'aal: Tahriibta diinta Islaamku maxay ka qabtaa?

Jawaab (Shiikh Daahir ): Tahriibtu waa shay aan shareecada Islaamka ku banaanayn oo xaaraan ah, waxaana kuu cadaynayaa oo ay ku xaaraantinimoobaysaa dadka tahriibta rara oo dadka qaada markii ay badweynta marayaan ama ay u dhawaadaan xeebta ayay dadka khasab kaga daadiyaan doonyaha ama laashashka, iyagoo ka cabsi qaba in ciidanka dalka Yemen ay qabtaan, taasina maaha mid shareecadda islaamku banaysay, sababtoo ah waxay daadiyaan dhiig dad islaam ah oo aan waxba galabsan. Midda kale waxay dadka la dhacaan faashash iyo rasaas si dadku uga boodaan doonta ama laashka oo badda isugu tuuraan. Hadaba, dadka ka shaqeeya tahriibta waa inay ilaahay u toobad keenaan, ayna ku baraarugaan waxa ay kasabka ka raadinayaan inuu yahay shay aan diintu banayn. Wixii ka soo baxa oo iyo xoolaha laga helaaba waa xaaraan.



2) Su'aal: Ma banaantahay in hubka laga ganacsado?

Jawaab (Shiikh Daahir) : in hubka laga ganacsado waa arrin horay u dhici jirtay waqtigii
Islaamka, wax mancinaya ma jiro, dadka Islaamka ahna waxaa looga baahan
yahay inay hubka gataan oo qof walba oo Islaam ahi uu hubkiisa diyaarsado,
laakiin haddii hubka laga ganacsanayo ay uu keenayo in labo qabiil isku
laayaan, ama uu keenayo inuu fidmo iyo isku layn ummadda u keeno sida
meelaha dagaalada sokeeye ka jiraan oo kale, taasi waxay noqonaysaa wax aan
banaanayn oo ay tahay in laga dheeraado. Wixii intaas ka soo hara waa u
banaan yahay dadka Islaamka ah inay hubka gataan oo qof walba qorigiisa
diyaarsado si uu isagaga difaaco cadawgiisa, looguna difaaco diinta Islaamka iyo dadka Muslimka ah.


3) Su'aal: Daawadda hay'aduhu dalka keenaan ma banaan tahay in laga
ganacsado?

Jawaab(Shiikh Daahir): Daawadda hay'aduhu dalka keenaan oo u keenaan dadka tabaalaysan ee masaakiinta ah waa daawo loo keenay in dadkaa dhiban loogu samafalo, sidaa
darteed ma banaana in daawadaas dadka ay gacantooda soo gasho ama la
shaqeeya hay'adaha intay soo qaataan ay suuqa iyo farmasiyayaasha dib uga
iibiyaan.


4) Su'aal: Kaam caanaha lagu gado ayaan leeyahay anigoo caanaha ka soo qaado
si aan uga ganacsado, waxaanna caanahaas soo dhaafiyaa oo kasoo gudbiiyaa
tuulooyinka u dhawdhaw Kaamkaas, hadaba arrintaas ma dembi baa igaga
imanaya?

Jawaab (Shiikh C/naasir): Arrintaasi waa arrin ganacsi ah oo qofku hadduu ilaalinaya shuruudaha tijaarada iyo xuduudda rabbi ma jiraan wax mancinaya, laakiin haddii ay jirto dhibaato weyn oo waadax ah oo dadka meeshaa degan dhibaato u keenaysa waxaa looga baahan yahay qofka caanaha ka ganacsanaya inuu axsaan iyo samafal sameeyo oo uusan dadka cunaqabatayn, uuna u dejiyo wax dadka ka sii jeediya. Calaa kuli xaal ganacsigaasi waa mid banaan.


5) Su'aal: waxaan leeyahay dukaan spare parts ah, waxaanna iibiyaa
sameecadaha wax lagu dhegaysto, hadaba haddii sameecadahaas ay iga iibsadaan
dad heeso ku dhegaysta ama fiidiyowyada riwaadaha laga daawado ku dhegaysta
ma banaan tahay inaan sameecadahaas ka ganacsado?

Jawaab (Shiikh C/naasir): ma banaana inaad sameecadahaas ka iibiso dad aad ogtahay inay ku
faafinayaa waxyaabo fawaaxish ah oo aan sharcigu banayn, laakiin caam ahaan
ma dhihi karno waa xaaraan in sameecadaha laga ganacsado, maxaa yeelay
waxyaabo badan oo khayr ah baa lagaga faa'idaystaa, sida masaajidada,
istuudiyayaasha lagu duubo cajiladaha islaamiga ah iwm.


6) Su'aal: Hadaan ka ganacsado Rikoorada mustacmalka oo qofka aan ka
iibinayo markaan u tijaabo ka dib intuu igu soo celiyo yiraah-do waa
cildaysan yahay ee iga celi oo lacagtaydii I sii arrintaa xaq ma iigu
leeyahay?

Jawaab (Shiikh C/naasir): Marka hore qofka waxa laga rabbaa inuu ka ganacsado shay wanaagsan
oo la hubo damaanadiisa, haddiise labada qof wax kala iibsadaan oo kala
dhacaan beecu wuu dhacay. Sh.C/naasir

7) Su'aal: Maadaama beecu xaaraan yahay maalinta jimcaha waqtiga salaadda ma
banaan tahay inaan ganacsigayga uga tago xaaskayga oo markaa dukaanka ama
bakhaarku sii furnaado xiliga salaadda?

8) Jawaab (Sh. Daahir): xiliga salaadda jimcaha haddii aad ku dhaafto meheradaada
xaaskaaga way banaan tahay maadaama aan dumarka lagu lahayn salaadda
jimcaha.


9) Su'aal: Goobaha Dumarku isku qurxiyaan oo loo yaqaan (Beauty Saloon) ma
banaan tahay in laga ganacsado, mase laga xajin karaa hantida laga kasbo
goobahaas?

Jawaab (Sh. C/laahi Cali Xaashi): Goobaha noocaas ahi waa waxyaabo inakaga yimid wadamada gaalada,
waxyaabaha hadda lagu sameeyo kuwa wadanka ku yaalna maaha wax sharciga
Islaamku baneeyey, sababtoo ah gabadha oo dhan waa la qaawinyaa waxaana la
marinayaa daawooyin iyo xinni, waxaa la marinayaa waxa loo yaqaano
diyaanadda oo ah daawooyin qofka jirkiisa bedelaya oo dubka sare oo dhan
kicinaya, waxaa gacantii, wajigii iyo kubkii xiniyaysan lagu sawirayaa
gidaarka banaanka ah ee goobtaas, goobta waxaa lagu samaynayo waa qol aan
asturayn oo dadka banaanka marayaa ay arkayaan gabadhii oo qaawan, marka
dadka waxaa samaynaya waa dad bedelaya quruxdii dabiiciga ahayd ee ilaahay
qofka bini'aadanka ah siiyey, waxayna bedelayaan abuurtii rabbi subxaanuhu
watacaalaa marka arrintaasi kuma banaana shareecadda Islaamka, gabdhaha
arrintaa ka ganacsnaya ganacsigoodu waa xaaraan, wixii hanti ay ka helaana
kama xajiyi karaan, laakiin gabadhu inay is qurxiso waa wax banaan iyadoo
isku qurxinaysa waxyaabaha wanaagsan sida xiniga iwm. Sidoo kale gabdhaha
wax qurxinaya oo waxyaabaha fiican gabdhaha ku qurxinaya waa in aanay ku
xadgudbin inta gabadha jirkeeda aan looga ogolayn oo macnuhu maaha in meel
walba oo jirkeeda kamid ah ay fasax u qabto inay wax mariso, waana inay ku
qurxiyaan guri asturan gudihiis.



10) Su'aal: Ma banaan tahay inaan gaadiidkayga sida doonyaha, gawaarida iwm ....ka kireeyo dadka ka shaqeeya qaadka iyo sigaarka?

Jawaab (Sh.Xasan Bookh): qofka islaamka ah uma banaana inuu tijaarada xalaasha kasab kaga
raadsado shay aan asalkiisuba banaanayn, qaadka iyo sigaarkuba waa xaaraan
shareecada islaamka, wixii asalkiisa hore xaaraan yahayna wixii laga helo oo
hanti ah waa xaaraan, sidaa darteed ma banaana in dadka gaadiidka lihi
gaadiidkooda ka kiraystaan dadka mukhadaradka ka shaqaysta.

dheg

guji halkan Si aad u soo dirto email.