Support us|    About us|    Donation|    Contuct us|  Abubakar asadiq project|  Map          
Idaacatu sawtul quraan
Halka ka dhegayso


Islamic links
mucjiso
Somali Media
Ansaar.net<
risaala.com
radiowarsan.com
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar

Kitaabta halka ka dhegayso
Arbiciinu Xadith
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka

Halka ka dhegayso
quraanka kariimka

(Sh. Khaliil al xusari iyo
shiikh cabdiraxman al sudaysi

Halka ka dhegayso
qiraa'ada S. Can Abi Camur

(Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi)


Qolka Muxaadarooyinka Muxaadaroyin Nadwadii Ohio (April30-May2/2004)
Muxaadaroyin mu'tamrkii Minneapolis (Dec 2003)
Muxaadaroyin mu'tamrkii Ohio (Sep 2003)
Nadwo lagu qabtay Nayrobi (Janayo 2004)
Muxaadaroyin Muuqaal ah
Qolka Gabdhaha
Su'aalaha halka ku soo dir
Muxadarooyin Af carabi ah


Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe

Iskuul Muslimiinta oo ku yaala dalka Holland oo xalay la qarxiyey

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com

Posted by on Monday 8, November 2004 9:17 AM

Amsterdam :- Iskuul hoose oo ay lahaayeen Muslimiinta dalka Holland oo ku yaalay magaalada Eindhoven ayaa xalay saqdii dhexe la qarxiyey. Booliiska oo sheegay inuu adkeyn doono amaanka xarumaha Muslimka.

Weerarkan ayeysan cidina waxna ku noqon ayadoo wakhtigaasi aysan cidina ku sugneyn Iskuul dhexdiisa.

Illaa iyo hada lama yaqaan cida ka danbeysa weerarkan ayadoo loo aaneenayo in ay tahay aargoosasho la xidhiidha dilkii loo geystay Nin Hollandees ah oo aflaamta sameyn jiray oo todobaadkii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Amsterdam.

Thoe Van Gogh oo ah ninkii Salaasadii lasoo dhaafay lagu dilay Amsterdam ayaa ahaa nin aad Muslimka u neceb isla markaana sameeyey Film lagu caayayo Quraanka iyo Allaahey. Dilkiisa oo uu ka danbeeyey Wiil 26jir ah oo Muslim ah ayey ka xumaadeen dadka asal ahaan u dhashay dalka Holland.

Dilka ninkaasi ayaa sidoo kale keenay xiisad ka dhex aloosanta shacabka Muslimiinta ah iyo kuwa gaalada ah.

Weerarka xalay loo geystay iskuulka ku yaal magaalada Eindhoven ayaa ah kii ugu horeeyey oo lala beegsado dhanka muslimiinta.

Eindhoven ayaa ah magaalo ku taal koonfurta dalka Holland isla markaana ay ku dhaqan yihiin dad badan oo muslimiin ah oo ay ku jiraan jaaliyada Soomaalida oo caruurtooda iskuulkaasi la qarxiyey dhigan jireen.

Booliiska magaalada Eindhoven ayaa sheegay in ay illaalo ka qaban doonaan dhamaan goobaha Muslimiinta isugu timaado iyo Masaajidada waaweyn si markaa loo sugo amaanka muslimiinta.

Magaaladaasi ayey ku yaalaan shan Masaajid oo waaweyn oo midka ugu caansana ee Masjidul Furqaan ayey wax ka maamulaan Soomaalidu.

Maaha markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah lagu qaado Iskuulka ugu weyn Muslimiinta ee Eindhoven waxaana hada kahor lagu tuuray iskuul kaasi dhaalooyin ay ku jiraan dab iyo baasiin, inkastoo ay tahay markii ugu horeysa oo bambaano lagu qarxiyo.

guji halkan Si aad u soo dirto email.