Muslimiinta Minnesota oo Si Heer Sare ah u Ciidey

Masjidshaafici | Feb 1, 2004

Qiyaastii 10,000 (toban kun) oo Muslimiin ah oo salaadii ciidul-adxaa ku tukadey faras magaalaha Minneapolis

Masuuliyiinta masaajidka imaam shaafici ayaa waxay soo qaban qaabiyeen goob wayn oo ay dowladdu leedahayMinneapolis Convention Center si loogu oogo salaadda ciidda, Waaberigii Axada (Feb 1, 2004) ayaa muslimiinta ku dhaqan labada magaalo ee mataanaha (St.Paul/Minneapolis) ay u dareereen goobihii lagu tukanayey salaada ciid-al-adxaa. Qabowga ka dhacayey magaalada iyo barafka dhulka daadsan toona muslimiinta kama hor istaagin in ay si farxad leh isugu soo baxaan.

Tirada muslimiinta deggan gobolka Minnesota waxaa lagu qiyaasaa in ay Soomaalidu ugu badan yihiin, taas oo ay ka markhaanti keceyso xadiga ay uga soo qayb galeen ciida.

Muslimiinta goobtaas isugu yimid waxaa lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo qof, kuwaas oo isu hambalyaynaya, faraxsan, oo isku niyad san, ku lebisan dhar quruxbadan. Taas oo markiiba kusoo xusuusineysa beri samaadkii iyo xilligii ay Soomaaliya nabada ahayd iyo sidii looga ciidi jirey. Allah sannadkan soo socda ee 1425 Soomaaliya nabad camirta haka dhaliyo, aamiin.