Islamic Links :

mucjiso
Somali Media
Ansaar.net<
risaala.com
radiowarsan.com
Miisaan.com
Banadir-islam
Masjid Alfaaruuq
gabdhaha.com
hanuun.com
Maktab annuur
boqolsoon.com
Khalidmosque.com
hnur.com
aflax.net

islamicschool
masjidabubakar
.

 
Kitaabta halka ka dhegayso
Arbiciinu Xadith
Caqiidatul Waasidiya
Suwaru min xayati saxaba
Al wajis fi fiqi suna
Musdalaxul xadith
Lumcatul Icitiqaad
Uthulu thaltha

Siirada Nabiga
Siirada Saxaabada
Tafsiirka Quraanka

 

 

Hindiya: “Maroodiga Soo Koroya”

Faalo:- Labo dhacdo oo dhawaan aay ku dhaqaaqdey dowlada India ayaa waxay si weyn u xoojiyeen dareenka caalamiga ah ee isa soo taraya oo sheegaya in India (sidoo kale China waa la mid) aay higsanayso inay noqoto quwad caalami ah oo awood dhaqaale, siyaasadeed, farsamo (Technology), iyo mid malateri intaba leh, islamarkaana aay ku bari-taarayso damaceeda ah iney ka hesho kursi joogto ah golaha amaanka ee qaramada midoobey.

Labadaas dhacdo mida hore waa markii dowlada India aay si cad ugu gacan sayrtey wax kaalmo ah oo dibada uga yimaada dhibaatadii ka soo gaartey masiibadii dhulgariir-badeedka Tsunami ,iyadoo sheegtay inay awood u leedahay inay la tacaasho musiibadaas, aaysana u baahnayn xiligaan la joogo wax gargaar dibadeed, talaabadaan ayaa looga arkay dunida galbeedka (Image Building exercise) ama isku day India aay doonayso inay kor ugu qaado sumcadeeda caalamiga ah ,aayna uga gol-leedahay inay iska fogeyso astaanta aay ku caanbaxdey ee ah wadan faqri ah oo weligiis sacabada u hoorsanaya dunida deeqda bixisa,taas badalkeeda India waxay ahayd wadankii ugu horeeyay ee gargaarka degdega u direy Srilanka iyo Maldives kadib masiibadii Tsunami,taasoo India aay ku kasbatey sumcad caalami ah,sababteyna in lagu daro oo aay xubin ka noqotey gudi-wadameedka xiriirinayay gargaarka caalamiga ah ee aay xubnaha ka yihiin USA,Japan,Australia ,taasoo ka dhigan in India loo arkay wadan deeq-bixiye ah (donor country).

Dhacdada labaad waa markii dhawaan ra, iisal wasaaraha India Dr.Manmohan Singh uu kaga dhawaaqay shir sanadeedka qurba joogta Hindida ah iyo kuwa asalkoodu kasoo jeedo India ee ka dhacay Magaalada Mumbai (Bombay) in qurba-joogta Hindida ah ee ka guurey wadanka waxii ka danbeeyay January- 26-1950 islamrkaana haysata dhalashada wadamoda kale loo fasaxey inay qaadan karaan dhalashada dhulkoodii hooyo ee India(Dual Citizenship) iyagoo yeelana dhamaan xuquuqda iyo waajibaadka uu leeyahay Hindiga wadanka gudihiisa ku dhaqan marka laga reebo xaqa-codeynta oo kaliya.

Qorshahaani wuxuu wadada u xaarayaa inay India dib usoo ceshato dhalashada kumanaan kun oo ka haajirey wadanka India islamarkaana sal-dhigtey wadamada galbeedka kuwaas oo la rumeysan yahay inay yihiin dad aqoonyahano ah oo waxtar weyn u leh wadanka,waxaana tusaale cad u ah heerka cilmi ee qurba joogta Hindida ah haweenaydii cir-bixiyeenka ahayd ee la oran jirey Kalpana chowla oo ka mid ahayd 7 qof ee ku dhimatey dayax-gacmeedkii Columbia ee burburey sanadkii 2003, taasoo kasoo jeeday gobolka Punjab ee India,waxaa kaloo jira koox ka mid ah raga haysta abaal-marinta Nopel-ka oo asalkodu kasoo jeedo India, balse wato dhalasho wadamo galbeed oo aay degaan ka dhigteen.

Qoraha buug dhawaan soo baxay oo cinwaankiisu yahay “Rising Elephent” ayaa waxuu si adag ugu doodayaa in India aan shaki ku jirin inay cagta-saartey wadadii horumarka ay ku gaari lahayd,taasoo u horseedi karta inay noqoto quwad dhaqaale, waxuuna qorahaasi oo lagu magacaabo Ashutosh Sheshabalaya(waa qoraa ka faalooda arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo fadhigiisu yahay dalka Belgium,una dhashay wadanka India) uu arintaasi ku xoojinayaa cilmi-baaris iyo tirakoobyo xeeldheer oo uu ku sugayo in India aay tahay maroodi soo koraya, haba ugu horeyso awooda miskaxeed ee India aay lasoo shir-tagtey dhamaan dhinacyada cilmiyada saldhiga u ah hanashada awood caalami ah, sida IT(computer),Space Technology, Biotechnology-ga, Pharmaceuticals, Engineering , Medicine iwm.

Inkastoo aay jiraan dhibaatooyin badan oo Hindia ka jira oo faqriga iyo musuq-maasuq aay ugu weyn yihiin hadana sida aay qabaan dad badan oo ka faalooda arimaha horumarka bulshooyinka waxaan meesha laga saari Karin in India aay haysato fursado badan oo u suuragalin kara inay higsato horumar baaxad leh,weliba kaasoo xowligiisu ka dhakhso badan kii wadamada galbeedku aay usoo mareen hodanimada aay harsanayaan maanta.

Waxayna qabaan aqoon-yahano door ah oo Hindi ahi in falsafadihii horumarka bulshada ee uu dhagax-dhigay aabahii India-yada Cusub Mahatma Gandha, yididiilooyinka horumarineed ee uu faafinayo aabaha nuclearka India ahna madexweynaha iminka ee India Dr.A.P.J.Kalam oo isagu wacad ku maray in 2020 aay India noqon doonto qaran horumaray dhinac kasta, iyo aqoonta iyo miskaxda dhaqaala-yahanka hogaamiya xukuuumada India xiligaan ka talisa Dr.Manmohan Singh in aan la fogeysan Karin in India aay degdeg u gasho ardaaga-club-ka wadamada horumaray iyadoo aan cidna ticket ka qaadan balse kaashanaysa keydka aqooneed(capital Knowledge) ee dadkeeda, hore ayaana soomalidu ugu maahmaahdey nin walba ceesaantiisa ceel gee!!! iyo biyo Sacabadaada ayaa looga dhargaa!!.

Qore: Siciid Xuseen Ciid.
shariifka@yahoo.co.uk
INDIA

HA ILAAWIN ACMAASHA AAD QABANAYSID BISHA DIL XIJA

Nin holandays ah oo neceb Diinta Islaamka oo lagu dilay Holland . Halka Guji

 

Culumada oo baaq u dirtay S/land iyo P/land -
Halka Guji

Culumada iyo ururintii dhaqaalaha jaamacadda Bariga Afrika (boosaaso) Halka Guji
Masjidul-raxma ee magaalada Garoowe: Muxaadaro - In la raaco Sunada ... Halka Guji .. Halka Guji
Sigaarku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha lagu tiriyo in uu keeno cudurada khatarta ah . Halka Guji
Waftigii culumada ahaa ee booqashada ku marayey magaalada Berbera 14/09/2004 ... Halka Guji
Sh. Cali Warsame, Sh. Maxamed Idriis iyo Sh. Axmed Maxamed Suleymaan oo tagay Boorama ... Halka Guji
Gebagebadii Kulandiineedkii Waqoyiga Amerika 2004.
Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe