home|    Marriage|   Support us|    About us|    Donation|    Map          
Qardhaawi.com
Halgan.net
Masjid Darul Hijra
Masjid Shaafici
Masjid Rawdah
Wanaag Farista
Boqolsoon
DaarulCilmi
Alhidaaya
Waaniye
Naseexo
Alimuse
Altaqwaa
Alixsaan
Addacwah
Runta
Somali islam
Somali Suna
Masjid Khaalid

Arab Islamic Sites

Islamway
Saydul Fawaaid
Multaqal Caqiida
Al imaan
Ahlul Xadiith
Islamweb
Dorar
Al-Mishkat
Quraan Kariim
Shiekh ibn baz
Shiekh Cuthaymin
Shiekh Albaani
Shiekh Salix ibn Fawzan
Alminbar

Educational Sites

East Africa University
Mogadishu University
Hargaysa University
Machadka Shafici, Gedo


Nadwadii Masjiddu Shaafici Minneapolis oo soo gaba gabowday (Dhagayso Daawo Masawiro)
Posted to the Web Jan 18, 21:44

Minnesota:Waxaa si habsamiya u soo gaba gaboobay Nadwo Cilmiyeey loogu magac daray Badbaadada Umadda oo inta badan looga hadlay da'yarta qurbaha ku barbaaray waxaa ka qayb galay Nadwadaan qaar ka mida  Imaamyada Masaajidda Minneapolis, iyo aqoonyahano Soomaaliyeed. 

Culumada  ka Qayb gashay Nadwadii waxaa ka mid ah .

(1) Sh. C/risaaq Macalin Abshir Sancaani Imaamka Masaajidka Rowdah
(2) Sh. C/risaaq Xaashi, Imaamka Masaajidka Abuubakar Sadiiq  
(3) Sh. C/laahi Ibraahim Shiekh Kitaabada ka akhrisa M. Abuubakar
(4) Sh. Mohamed Mursal Imaamka Masjiddul Ixsaan Saint Paul
(5) Dr. C/raxman Mohamed Diiriye Dhakhtar Soomaliyeed
(6) Sh. C/qani Qardhaawi Imaamka Masjidka Shaafici ee Nadwada lagu qabtay

Shiikh Mohamed Mursal ayaa waxaa uu ka hadlay Nabiga sws dhibaatooyinkii uu dacwada u soo maray iyo Daa'if markii Nabiga lagu tuuryeeyey xigmadii sidii uu u gutay Risaaladii loo soo dhiibay  Taariikh xasuus mudan oo dhalinyaru aad ula dhaceen Halkan ka Dhagayso.

Shiikh C/laahi Ibraahim oo ah daaci macruuf ah ayaa waxaa uu ka hadlay dhalinyarada iyo sida loo barbaariyo ka hadlay asaga oo soo qaatay qisooyin gabayo iyo murti, xeelado badan oo ay ku dheehan tahay Xigmad Muxaadarada Shiikh C/laahi Halkan ka Dhagayso


Dr C/raxmaan Mohamed Diiriye
 oo ah Dhakhtar kana hadlay Shakhsiyada Qofka Muslimka ah iyo aadaabta looga baahan yahay Dr C/raxmaan oo ka hadlaya diinta islaamka iyo dhaqan ka looga baahan yahay Muslimiinta si ay tusaale u noqdaan Halkan ka Dhagayso

Shiikh C/risaaq Macalin Abshir Sancaani Imaamka Masjidka Rowdah ayaa asna ka hadlay dhalinyarada iyo khatarta Daroogada wuxuuna ugu baaqayn bulshada Reer Minnesota in ay kulan iskugu yimaadaan si looga tashado Mustaqbalka dhalinyarada.

Wuxuu kaloo ka hadlay Sh. C/risaaq Sancaani Xalaasha iyo Xaaraamta, Guryaha Ribada ah iyo ka Shaqaynta Bankiyada, wuxuuna tilmaamay Shiikh C/risaaq in ay jiraan Culumo bidixda ka tuuraysa fatwada allahna oga cabsanaynin iyo Culumo dadweynuhu su,aalaha  si khalada u weydiinayaan si ay ku banaystaan Xaaranta ilaahay xarimay. 

Muxaadaradii Xalaasha iyo Xaaraamka Halkan ka Dhagayso Khatarta iyo Daroogada dhalinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada America ku sii badanaya Halkan ka Dhagayso

Sh C/qani Qardhaawi Imaamka Masaajidka Shaafici oo isku soo duba riday Barnaamijkaan lagu baraarujinayey Soomalida degan Gobalkaan Minnesota ayaa asna ka hadlay isku kaal maysiga khayr ka Sh C/qani  Qardhaawi ayaa ku baaqay in walaalaha Soomaliyeed ay khayr ka iyo dhisida wanaaga ka shaqeeyaan laguna amaano qofkii wanaag soo kordhiya Muxaadaradii Sh C/qani Qardhaawi Halkan ka Dhagayso   Muxaadaradii Dumarka Halkan ka Dhagayso

Sh C/risaaq Xaashi Imaamka Masaajidka Abuubakar Sadiiq ayaa asna ka hadlay kulan diineedkaan Shiikh C/risaaq ayaa Dumarka Soomaliyeed ku baarujin u soo jeediyey wuxuuna tilmaamay doorka ay bulshada ku leeyihiin Haweenku  iyo Masuuliyada ka saaran ilmahooda.

Wuxuuna tilmaamay in lala socdo saaxiibada dhalinyarada iyo ilmahagaaga cidda ay ka cag dhow yihiin, wuxuu Sh C/risaaq xaashi allah ha Xiftiyee sheegay in ay qadar ahayd dil kii loo gaystay wiilashii Seward Halal Market hase yeeshee loo baahan yahay in cashar iyo tusaale ay noqoto oo wax lagu qaato Sh C/risaaq ayaa ka cudurdaartay in la duubo Muxaadaradiisa waxaanse sh.C/risaaq naga ogolaaday in aan Live u siidayno taas oo dad badan si toosa u daawadeen.

Daawo Masawiro    

Gabagabadii Kulan Diineed Koowaad ee lagu qabtay Maajidka Shaafici

Waxaa Xafiiska Halgan.net soo gaaray hambalyooyin ka imaanayso Soomaalida kheyrka jecel ee ku sugan dunida daafaheeda kuwaas oo aad ula dhacay sida tooska ah ee ay ula socdeen Muxaadaraadka ay Shabakadda Halgan.net si toosa u sii daynaysay Sabtidii iyo Axaddii la soo dhaafay. 

Shabakadda Halgan.net ayaa isticmaalaysay Live stream. waxaan ka xusi karnaa wadamada hambalyadu naga soo gaartay Qaaradda America (1) Seattle Washiton Minnesota, Califiornia Arizona,Canada Toronta. Norway Oslo. U,k London. Denmark, Dubai Sacudi Carabiga, Kuwait iyo dhammaan East Africa. haddii wadamo kale aad ku sugan tahay oo aad la socotid fadlan nala soo xariir


Waxaa Isku Soo Duba riday Ustaad Dalboon Minnesota Minneapolis.

Halgan.net 


Daawo Masawiro

 

 

Ku biir Qolka Kheyrka
Name:
E-Mail :
Action: Subscribe

guji halkan Si aad u soo dirto email.